10 qof ayaa ku geeriyootay, 6 kalena wey ku dhaawacmeen, Karin, markii uu dab ka kacay baskii ay ku safrayeen oo marayey Waddo weyn oo ku taalla Bariga dalkaasi.
Shilkaasi waxa uu saqdii Dhexe ee xalay ka dhacay Degmadda Gujranwala ee Gobalka Punjab.
Baska oo ka soo ambabaxay Rawalbindi waxa uu ku sii jeeday magaalladda Lahoor oo caasimad u ah Gobalka Punjab.
Sarkaal ka tirsan Kooxaha Gurmadka, laguna magacaabo Anjum Shahzaad ayaa sheegay inuu dabku ka dhashay dareere gaas ah, iyadoo Basku ahaa mid ku shaqeeya Baansiin iyo Nafto.