Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Shirka oo ay ku kulmi doonaan madaxda Baarlamaannda waddamada Islaamka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu gaari lahaa arrinta walaalaha reer Falastiin,
Waxaa goobjoog ahaa Shirka madax kala duwan oo ka kala timid , Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Yurub, waxana dhamman madaxda ay aragtidooda ku cabireen qadiyadda Falastiiniyiinta oo ay taageero buuxda u muujiyeen.