Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo jimco ah xukun dil toogasho ah magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kula fulisay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Goob fagaare ah ayaa lagu toogtay labada Askari oo kamid ahaa ciidanka xoogga, kuwaasi oo horey Maxkamadda ciidamada qalabka sida xukunka ugu riday, kadib markii ay qirteen inay dileen labada ruux.
Askarta maanta lagu toogtay Gaalkacyo ayaa lagu kala magacaabi jiray dable Cabdikaafi Cali Cabdulle oo lagu helay dembi ah inuu horay u dilay Cadnaan Cali Salaad, halka Iidle Cumar Idiris oo Gorgor ka tirsanaa uu isna hore u dilay Bilan Xaashi Salaad.
Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ehelada marxuumiinta la dilay ayaa goobjoog ka ahaa goobta uu xukunka ka dhacaayay.