Taliyahaasi oo lagu magacaabo Admiral John C. Ring ayaa la sheegay in laga qaaday Xilkii Taliyaha Xabsiga Guwatanamo Bay, 7 isbuuc ka hor markii uu ka degi lahaa shaqada bisha June 11-da ee sannadkan.
Wargeyska The New York Times ayaa qoray in Sarreeye Guuto John Hussey oo ahaa Ku-xigeenka Taliyaha xilka laga qaaday ayaa loo magacaabay Ku-simaha Taliyaha Xabsiga Guatanamo Bay oo ku yaalla Jesiiradda Kuuba.
Sida laga soo xigtay Amanda Azubuike oo ah Afhayeenadda Taliska Koonfureed ee Milliteriga Maraykanka ee dusha kala socda Xabisga Guatanamo Bay Prison, waxay sheegtay in Taliyihii hore ee Xabsigaasi, Admiral John C. Ring xilka laga cayriyey, kadib, baaritaan muddo hal bil socday, kaasi oo bilowday bishii March ee la soo dhaafay.
Wax faahfaahin ah kama aysan bixinin waxa uu ku saabsanaa baaritaankaasi, balse warar ay Warbaahintu heshay ayaa sheegay in Admiral John Ring xilkiisa ku waayey faahfaahin uu ka bixiyey sir ku adan Xabsigaasi.
Waxa uu tilmaamay in Maxaabiista heerka sare loo xiro Xeradda loo yaqaano Camp 7 oo ku dhex taalla Xabsigaasi,waxaana ku xiran Khaalid Sheekh Maxamed oo ay Maraykanka ku eedeeyaan inuu yahay maskaxdii ka dambaysay Weerarkii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii ka dhacay dalka Maraykanka.
Waxaa kaloo Xeradda Camp 7 ee Xabsigaasi ku xiran shaqsiyaad kale oo ay Hay’adda Sirdoonka Mraaykanka ee CIA-da ku hayaan xeradaasi, kuwaasi oo isugu jira Hoggaamiyayaal, Ku-xigeeno iyo Ciiddan ka tirsanaa Ururka Al-qaacida iyo kooxo kale.
Admiral John C. Ring waxa uu horey u ahaa Taliyihii Markabka Dagaalka ee Nimitz, oo ah Markab nooca Diyaaradaha Dagaalka xambaarta, .
Xabsiga Guatanamo Bay oo xitaa loo yaqaano magaca Gitmo waxa uu ahaa Xero lagu hayo dadka laga soo qabto Dalalka lagula dagaalamo Askarta Maraykanka.
Xabsigaasi waxaa la asaasay sannadkii 2002-dii, kadib, weerarkii ay Ururka Al-qaacida u adegsadeen Diyaaradaha eel ala beegsaday Daaraha Mataanaha Maraykanka bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii.
Dadkii ugu horreeyey ee lagu soo xiro Xabsigaasi ayaa ahaa 20 qof oo laga soo qabtay dalka Afganistan, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay ka barbar dagaalameen Dagaalamayaashii ku sugnaa dalka Afganistan.
Tan iyo xilligaasi, boqolaal Maxaabiis oo ay Maraykanka ugu yeeraan Dagaalamayaal caddow oo ka kala yimid dalalka Afganistan, Iraq, Sacuudiga iyo Yemen ayaa lagu hayey Xabsigaasi.
Xabsigaasi oo ay boqolaal Maxaabiis Muslimiin dacwad la’aan lagu hayey sannooyin ayaa waxaa haatan ku haray Xabsigaasi maxaabiis tiradoodu dhan tahay 41 Maxbuus, waxaana Xbasigaasi ka shaqeeya 1,800 Askari iyo dad rayid ah.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama waxa uu muddaii uu xilka hayey ballan qaadeen inuu albaabadda u laabi doono Xabsigaasi, iyadoo sannadkii hore, Madaxweyne Donald Trump amar ku bixiyey in Xabsigaasi albaabadda loo furo.