Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay rag si sharci darro ah uga kalluumeeysanayay xeebaha gobolka J/hoose, kuwaa oo ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen.
Raggan oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa 8 nin oo laba kamid ah ay kasoo jeeday dalka Iran halka lixda kalena ay kasoo jeedaan dalka Hindiya ayay ciidamadu gacanta ku dhigeen kadib markii doonidii ay ku kalluumeeysanayeen ay kula soo caariday xeebta Jaziiradda Kudhaa ee gobolka J/hoose.
Taliyaha Saldhiga Magaalada Kismaayo Maxamed Naasir oo lagu wareejiyay ragaan ayaa Warbaahinta u sheegay in ay xanaaneyn doonaan islamarkaana y heli doonaan daryeel wanaagsan.
Waxaa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in ragaan la maxkamadeyn doono maadaama ay yihiin rag Ajnabi ah oo Sisharcidaro ah uga kaluumeysanayay Xeebaha dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka