Koox hubeysan oo watay Bastoolado ayaa xalay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis ku dilay Cali Cumar Gaab oo ahaa Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dad ayaa waxa ay ku warrameen in dableyda hubeysan ay marxuumka ku dhufteen dhowr xabadooda oo uga dhacay meelo halis ah, isagoo ugu dambeyntiina ku geeriyooday goobta uu falka ka dhacay oo aheyd xaafad ka tirsan degmada Shibis.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda oo isugu jiray dharcad iyo Boolis oo meel aan sidaas uga fogeyn halka lagu dilay Cali Gaab ku sugnaa ayaa tagay goobta, isla markaana ka qaaday Meydka marxuumka, lana aaday durbadii dhanka Xarunta hay’adda CID-da.
Dilka loo geystay Cali Cumar Gaab oo ahaa Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxa baryahan ku yaraa dilalka qorsheysan oo geysanayaan ragga dhalinyarada ee ku hubeysan bastooladaha, inkastoo ay xusid mudan tahay in mararka qaarkood dhacaan falal amniga lid ku ah.