Nin Ajnabi ah oo Gabar Soomaaliyeed ku dilay dalka Malaysia

Sida ay qoreyso warbaahinta free Malaysia today.com,haweeney ayaa lagu dilay gacan ka hadal dhexmaray labo shaqaale ajnabi ah oo ka shaqeynayey maqaayad Carabi ah oo ku taal Ampang, Selangor ee dalka Malaysia.

Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa goobta ka baxsaday kadib markii uu haweeney Soomaali ah ku dilay agagaarka Jalan Memanda duhurnimadii shalay.

Taliyaha booliiska degmada Ampang Jaya Farouk Eshak ayaa sheegay in ninkan 25-jirka ah ay kasoo qabyteen magaalada Ampang Putra dhowr saacadood mark uu dilka geysatay ka dib isagoo baxsad ah.

Booliska ayaa baaraya sababta kadanmbeysa dilkan uu nin u dhasahay dalka Ciraaq u geystay gabadhan Soomaalida ah.

Gabadhan la dilay oo 28 jir ah ayaa waxa ay la nooleed qoyska tuhmanaha muddo sagaal sano ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor