Ciiddanka Boliska Kenya ayaa la sheegay inay shalay gacanta ku soo dhigeen Labadaas Arday oo lagu kala magacaabo Maxamed Shukri iyo C/risaaq C/nuur, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta Puntland.
Labadaasi Arday oo ka mid ah Dufcadda ugu dambeysay ee Ardayda baratay Cilmiga Caafimaadka ayaa laga soo qabtay Hawlgal ay Boliska Nairobi iyo kuwa Mombasa ku qaadeen Isbitaal Gobaleedka ku yaalla magaalladda xeebta leh ee Malindi.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi uayaa maanta qoray inay Baaritaano Hordhac muujinayaan in Maxamed Shukri horey uga mid noqday Shabakadda Daacish, isla markaana ay Boliska kashifeen inuu qorsheynayo inuu Maadada Antarakiska (Anthrax) u adeegsado waxa loogu yeeray Weerar Argagixiso.
Labada Arday waxaa kaloo la sheegay inay dcoonayeen inay Dukumentiyo Been Abuur ugu soo safraan Puntand, si ay ugu biiraan Maleeshiyadda Daacishta Somalia ee uu madaxda u yahay Sheekh C/qaadir Muumin.
Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray in Warbixino dhinaca Sirdoonka muujinayaan inay Labadaa Arday ee Maxamed Shukri iyo C/risaaq C/nuur qeyb ka yihiin Arday baratay Cilmiga Bayo-Kimistiri (Biochemistry) oo Deeq Waxbarasho ka heelay Jaamacadda Saratoy University ee dalka Raashiya.
Qaar ka mid ah Ardaydaas ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish
Boliska Kenya ayaa tilmaamay inay dhegeysteen Wada sheekeysi labada Arday ku dhex maray Isgaarsiinta oo ay kaga hadleen qorshaha Socdaalkooda ay ugu biiri lahaayeen Kooxda Daacish.
Labada Arday oo ka soo jeeda magaalladda Mandera ee W/bari Kenya ayaa la sheegay inay xiriir la lahaayeen Arday kale oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali, kaasi oo ay Boliska Kenya xireen bishii May ee sannadkan.
Waxaana lagu eedeeyey inuu qorsheynayey inuu fuliyo Weerar Biological Attack ah.
©Radio Dalsan