Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka 11aad, kuwaasi oo doorashadoodu ay tahay Galmudug.
Xubnaha uu kulanka la qatay Qoorqoor ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran waxaana xubnaha uu la kulmay  Madaxweynaha Galmudug ay yihiin kuwo markii hore siyaaasad ahaan iska soo hor jeeday, waana Xildhibaanada Magaalada Dhuusamareeb lagu doortay.
Cabdiraxaan Cabdishakuur Warsame Cabdullaahi Kullane ayaa kusoo baxay doorasho shalay ka dhacday dhuusamareeb.