Qarax xoogan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Kampaala ee Caasimadda dalka Uganda, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah qaraxaas dhacay.
Qaraxa oo ahaa mid uu ka dhashay Bam ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla xaafadda Komamboga ee Uganda, xili ay fadhiyeen dad badan, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalkaas.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 7 qof kalena ay dhaawacmeen, kuwaasi oo loola cararay Isbitaalo, waxaana dadka dhintay ku jiray Haween ku sugnaa goobta, xiligii uu qaraxu dhacayay.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxu uu dhacay abaaro 9-ka fiidnimo ee xalay, xili uu socday Bandow ka jira dalkaas, waxay intaas kusii dareen in qaraxa uu ku dhintay hal qof, halka 7 qof kalena ay dhaawacmeen oo qaarkood ay dhinteen.
Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii Bamka ka dhashay ee ka dhacay Maqaayada oo lagu magacaabo Digida ee ku taalla xaafadda Komamboga Magaalada Kampaala ee Caasimadda dalka Uganda.