Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaayay magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Maamulka ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay geerida Alle naxariistii Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad).
Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sigaar ah tacsi ula wadaagay ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu Jannatul fardawsana ka waraabiyo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuum Axmed Cabdullaahi uu kusoo booday xanuun kedis ah, xili uu ku sugnaa hoygiisa, kadibna la xaqiijiyay inuu xanuukaas u geeriyooday xalay Wasiirkii hore ee amniga Puntland.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo maalo kahor gaaray Magaalada Garoowe ayaa tilmaamay in Marxuum Axmed Cabdullaahi dowlad uu kamid ahaa Mas’uuliyiintii Garoonka Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay.
Allaha u naxariistee marxuum Cabdullaahi Yuusuf Dowlad ayaa waxa uu kamid ahaa Xukuumadii Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaa  labadii sano ee u dambaysay, wuxuuna sidoo kale kamdi ahaa khuburadii dhanka ammaanka ee ku howlanaa tala bixinta ammaanka dalka.