Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaan ay ku sugnayeen Al-shabaab

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego ee ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay Labo jiho ka weerareen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose, sidaasina ay kula wareegeen.

Sidoo kale Saraakiisha Kumaandooska waxa ay sheegeen in gudaha degaanka ay ka fuliyeen Howlgal baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo Amniga

Kumaandooska ayaa Howlgalka kusoo qabtay labo gadiid oo la sheegay in Al-shabaab ay ku diyaariyeen Qaraxyo,  waxaana Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media