Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Gacal Nuur.
Kulanka ayaa mid la iska xogwareystay qaabka ay u shaqeeyaan labada Baarlamaan iyo sidii ay iskaashi u sameyn lahaayeen.
Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Arrimaha doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan sanadka 2020/2021 iyo xaaladda haatan uu xiligan dalka marayo.
Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Waa kulankii ugu horeyay oo ay yeeshaan Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye Maxamed Gacal Nuur, waxaana Gacal uu Muqdisho ku joogaa Safar shaqo.