Ciidanka Booliska Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgalo kala duwan ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas, iyagoo kusoo qabtay Maandooriyaha Qamriga.
Taliyha Saldhiga Booliska Caabudwaaq Dhame Qalbi Axmed Cali ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada, isagoo xusay in Maandooriyaha Qamriga maalmihii ugu dambeeyay ku soo badanayay Magaalada.
Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Gaashaanle Sare Maxamuud Dhagahoor ayaa amanay Ciidamada iyo Saraakiisha inay soo qabtay cid kasta oo qamri soo gelisa Caabudwaaq, kaasi oo uu tilmaamay in bulshada dhibaato u keeni karo.
Ciidanka Booliska ayaa goob faraago ah ku burburiyay dhalooyin badan oo qamri ah, kuwaasi oo ciidamada ay kusoo qabteen howlgal laga sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.