Dowlad sabab la yaab leh ku mamnuucay xuska maalinta jaceylka Adduunka

Dowladda Indonesia ayaa qeyb ka mid ah dalkaasi ka mamnuucday in looga dabaaldego maalinta jaceylka.

Maalinta jaceylka oo 14-ka Febraayo laga xuso qeybo ka mid ah caalamka, ayaa mudooyinkii dambe caan ka noqoneysay dalkaasi ay Muslimiinta ku badan yihiin.

Balse qaar ka mid ah culimada Indonesia ayaa sheegay in u dabaaldega maalintan uu yahay mid dhiirigelinaya galmada aan xalaasha ahayn, isla markaana aanan la ogolaan karin.

Booliska magaalada Makassar ayaa xoog ku galay oo xiray dukaamo lagu iibiyo cinjirka galmada. Duqa magaaladaasi ayaa BBC u sheegay in ay ka jawaabayeen cabasho uga timid dadweynaha.

Saraakiisha dowladda ee magaalada Surabaya, oo ah tan labaad ee ugu weyn Indonesia, ayaa ardayda ugu baaqay in aanay u dabaaldegin maalinta jaceylka, ayagoo sheegay in ay khilaafsan tahay dhaqanka dadkaasi. Culimada Islaamka ee Indonesia ayaa ah kuwo awood badan ku leh dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor