Maamulka  Sh/Hoose iyo Hay’adaha gargaarka oo ka shiray fatahaada Afgooye

Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa kulan magaalada Muqdisho kula qaatay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gobolka shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Mudane, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka ay kala hadleen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ku nool degmada Afgooye iyo tulooyinka hoos yimaad oo ay saameysay fatahaada wabiga shabeelle.

Guddoomiyaha ayaa shacabka degmada Afgooye ku bogaadiyay gurmadka ay isku fidiyeen, isagoo ugu baaqay iney sii wadaan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed uga mahadceliyay xiriiro mira dhal ah oo uu la sameeyay hay’adaha Caalamiga ah iyo dowladda Soomaaliya,isagoo sheegay in Isbuucaan gudihiisa shacabka degmada Afgooye gargaar la gaarsiin doono.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaaa Wasiirro iyo wasiir ku xigeeno xubno ka ah guddiga gurmadka fatahaadaha dowlad goboleedka Koofur galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media