Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow waxaa gaartay Ergada Degmada Cadaado uga qeyb galeysa Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa Ergada kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Waxgaradka, Eegadii Horay Dhuusamareeb u tegtay iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Degmada Cadaado sida ay u aqbaleen casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.
Kal hore ayaa Waxgaradka Degmada Cadaado ay iska diideen inay ka qeyb galaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug,kaasi oo Gogashiisa ay taallo Dhuusamareeb.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku sugan inta badan Ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi dhawaan lagu wado inuu furmo.