12 August 2016 – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Graeme Simpson oo udhashay dalka South Africa, u magacaabay in uu Hogaamiyo Gudi ka shaqeyn doona, Qoraayaasha Hormarinta Waxbarashada Dhalinyarada, Nabada iyo Amaanka, waxaana la shaqeyn doono ilaa 21 xubnoo oo la-taliyaal gaar ah u noqon doona.
Mr Ban Ki-Moon, ayaa Gudigaan iyo la-taliyaasiisa kaga dhawaaqay hadal uu ka jeediyay Todobaadkaan Jaamacadda Galgary University, halkaasoo ay ka socotay Munaasabada ku saabsaneed Maalinta Caalamiga ee Dhalinyaradda Aduunka “ International Youth Day” .
Bishii December ee sanadkii 2015, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe, waxaa ay si Aqlabiyad leh u-ansixiyeen Qaraar tirsigiisu ahaa 2250 (2015) kaasoo ahaa Dhalinyada Ammaanka iyo Nabada.
Qaraarkaasi ayaa waxaa uu ahaa midkii ugu horeysay ee ay aqoonsadaan Qaramada Midoobe, waxaana uu ahaa mid muhiimad gaar ah u leh doorka Dhalinyarada Haweenka iyo Raga ay ku leeyihiin adKeynta iyo sara u qaadida Ammaanka iyo Nabada Caalamka.
Dhinaca kale Qaraarka ayaa Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobe, ka codsanaya in uu dedejiyo Hormainta waxbarashada waansagn ee Dhalinyarada iyo ka qeyb-qaadashada Hormarinta Nabada iyo xalinta khilaafaadka taagan, si ay jawaab wanaagsan ay uga bixiyaan.
Gudiga ka shaqeyn doona Qoraayaasha Hormarinta Waxbarashada Dhalinyarada, Nabada iyo Amaanka, ayaa waxaa la-taliyaal u noqonaya, shaqsiyaad laga soo xuliyada wadamada kala duwan ee Caalamka, waxaana kamid ah gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ilwad Elman, waxaan kamid ah.
Farea Al-Muslimi, oo udhashay dalka 9Yemen), Luz Alcira Granada Contreras oo kasoo jeeda wadanka (Colombia), Scott Attran oo u dhashay dalka Mareykanka ama (USA), Chernor Bah oo kasoo jeeda dalka (Sierra Leone), Ikram Ben Said oo udhashay dalka (Tunisia), Malual Bol Kiir oo kasoo jeeda dalka (South Sudan), Kessy Martine Ekomo-Soignet oo kasoo jeeda dalka Jamhuuriyada Africa Dhexe (CAR), Ilwad Elman oo kasoo jeeda (Somalia), ahna gabar u ololeysa dhalinyada, Matilda Flemming oo dalka (Finland), Terri-Ann Gilbert-Roberts oo dalka (Jamaica), Saba Ismail oo wadanka (Pakistan), Thevuni Kavindi Kotigala oo wadanka (Sri Lanka), Nur Laiq oo Ingiriiska (UK), Mieke Lopes Cardozo oo wadanka (Netherlands), Robert Muggah oo dalka (Canada), Hussein Nabil Murtaja oo wadanka (Palestine), Funmi Olonisakin oo dalka (Nigeria), Salim Salamah oo wadanka (Syria), Ali Saleem oo (Pakistan), Hajer Sharief oo kasoo jeeda (Libya), iyo Marc Sommers oo kasoo jeeda wadanka Mareykanka ama (USA).
Gudigaan Qubarada la-taliyaasha ah ayaa waxaa ay si gaar ah ay Gudoomiyaha ay kala shaqeyn doonaan, Hormarinta, sara u-qaadida iyo ka qeybqaadashada Dhalinyarada Jilaayaasha Siyaasada, iyo Amniga iyo Nabada, sidaasi waxaa yiri Oscar Fernandez-Taranco, oo ah kaaliyaha Xogahayaha Guud ee Qaramada midoobe xafiiska Nabad dhisida iyo taageerada xafiiska.
Mr. Oscar Fernandez-Taranco, ayaa shir-gudoominayay kulan looga hadlayay Nabad-dhisida waxaana uu yiri “ Waxaan ku faraxsanahay in aan heysano koox la-taliyaal ah oo kala duwan, ayna ku jiraan rag iyo dumar, ka kala yimid wadamada kala duwan ee aduunka” .
Kooxdaan la-taliyaasha ah, ayaa waxaa ay yihiin kuwo gaar ah oo muhiimad weyn u-leh, metelaada dhalinyaro rag iyo dumar leh, waxaana sagaal kamid ah ay yihiin dhalinyaro fir-fircoon, iyadoona laba iyo toban kamid ah ay yihiin dumar.
“ Kooxda la-taliyaasha ah waxaa ay keeni karaan isku imaatinka shaqsiyaad sharaf leh, oo ay qibradoodu aad ay u wanaagsantay, kuwaasoo xalin kara khilaafaadka “, waxaa sidaasi yiri Ahmed Alhendawi oo ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u-qaabilsan dhalinyarada.
Sidoo kale Dhalinyarada la-taliyaasha ah, waxaa shaqadooda gaar ah ay noqoneysaa, awoodsiinta dhalinyaradda, sara u-qaadida ka qeybqaadashada raga iyo dumara dhalinta yar dhinaca siyaasada, sinaanta raga iyo dumarka, ka hortagida isku-dhacyada iyo ka dhaqeynta hormarinta dhalinyarada.
Hogaamiyaaha Qoraayaasha Hormarinta Waxbarashada Dhalinyarada, Nabada iyo Amaanka, iyo gudigaba Qubaradda, waxaa ay si wada jir ah ugu wada shaqeyn doonaan, Hormarinta waxbarashada, waxaana ay la shaqeyn doonaan, Qaramada Midoobe iyo Ururada bulshada rayidka, si ay u-xaqiijiyaan dhaq-dhaqaada dhalinyarada Aduunka oo dhan.
Ilwaad Elman, ayaa taariiq wanaagsan ka sameyneysa, Hormarinta Dhalinyarada Soomaalida, waxaa iyada iyo qoyskeedu ay ahaayeen kuwo ka shaqeynayay Hormarinta dhalinta tan iyo Bur-burkii Soomaaliya.
Ilwaad Elman, ayaa waxaa ay kasoo jeeda qoys inta-badan ka shaqeeya arimaha Bulshada, waxaana allaha u naxariistee, Aabaha dhalay Ilwad Elman uu kamid ahaa dadkii lagu dilay Muqdisho (9kii Maarso 1996), isla markaana kamid ahaa hawlwadeenada ka shaqeeya arrimaha Bulshada oo si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya.
Markii qoyska Ilwaad uu geeryooday Aabahood, ayaa Maamo Fartuun iyo caruurteeda qaxootimo AY ku tageen dalka Canada, waxayna sanadkii 2010 ay Fartuun dib ugu noqotay Muqdisho si ay halkaasi uga sii wado hawlihii seygeeda Allah-ha-unaxariistee uu bilaabay, iyadoo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada Xaquuqul Insaanka ee Elman oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.
Fartuun Aadan ayaa magaalada Muqdisho ka aasaastay xaruntii ugu horeysay oo loogu talo galay dumarka la kufsado iyo haweenka loo geysto xadgudubyada.
Michelle Obama xaaska Madaxweynaha Maraykanka iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada John Kerry ayaa bilad sharaftan gudoonsiiyey Fartuun Aadan oo ka qeyb gashay xafladii ka dhacday Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee Washington 8dii bishan Maarso sanadkii 2013.
John Kerry Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa si weyn ugu riyaaqay Fartuun iyo haweenka ka kale ee Soomaaliyeed dadaalka ay ugaleen sidii ay uga shaqeyn lahaayeen xaquuqul insaanka iyo nabadeynta dalka Soomaaliya.
Waxaan u rajeyneynaa Ilwad Elman, Hormar iyo Barwaaqo.
Hassan Istiila
Congratulations @IlwadElman you truly deserve it. You are young model for youth in everywhere. special #Somalia
— Somalia Live Update (@HassanIstiila) August 15, 2016