Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa wada abaabul ka dhanka Al-Shabaab ee ku sugan degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.
Dhowaanahan Gobolka Mudug waxaa ka jiray baaqyo iyo abaabul ku aadan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degmada Xarar-dheere iyo deegaanada ku dhow,waxaana ciidamada Xoogga dalka ay haatan wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa shalay gaaray deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo degmadaasi iyo deegaanada Ku dhow.
Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa gacnat aku haya  Al-Shabaab,waxana saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay sheegeen inay ka saari doonaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tira dhowr jeer ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab balse aan weli sirasmia ah loo qaadin,waxan dhawaan Ciidamada Dowladda ay la wareegeen deegaanaka fiidow,iyada oo laba maalin kaidb ay isaga baxeen.