RW Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanku intuu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka,waxaana Ra’iisul Wasaare Roobleku heliyay kulanka xubno ka tirsan Xukumaddiisa.

Si gaar ah waxaa kulanka looga hadlay xiriirka labada dal iyo  habsami u socodka  iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kala qeyb galay Wasiirka cusub ee Amniga Mudane Abdullahi Mohamed Nur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee RW Roble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor