Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay leedahay shirkadda Lion Air oo ay saarnaayeen 188 ruux ayaa ku dhacday badda dalka Indonesia wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada caasimadda ah ee dalka Indonosea ee Jakarta.
Duulimaadkan oo lambarkiisu ahaa JT 610 ayaa ku sii jeedday Pangkal Pinang oo ah magaalada ugu wayn jasiiraddaha Bangka Belitung.
Xiriirkii dhulka ay la samaynaysay ayaa lumay waxyar ka dib markii ay kacdayba, waxyar ka dibna badda ayaa laga helay, mana cadda in ay dad ka badbaadeen.
Diyaaraddan ayuu nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8, wayna cusbayd.
โDiyaaradda ayaa badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir,โ sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay Yusuf Latif oo ah afhayeenka Hayโadda Gurmadka. Wuxuuna intaas ku daray in ay wali baadigoobayaan burburka diyaaradda.
Xigasho BBC