DEG DEG:-Wariyeyaasha ka howlgalla Garoowe oo looga yeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa ay ku warayamaan in goordhow wariyeyaasha ka howlgalla Magaaladaas looga yeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee Magalada Garoowe.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Wasaaradda Warfaafinta looga yeeray balse aan la ogeyn waxyaabaha laga hadli doono.

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in kulan ay yeelan doonaan Bahda Warbaahinta ka howlgasha Garoowe,Guddiga Amniga Puntland iyo madaxda Wasaaradda Warfaafinta Maamulkaas.

Si kastaba arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli Puntland ay waqtigaan u jirto marxalad kala guur ah,isla markaana loo diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha Puntland,dhinaca kalena uu jiro xiisad kala dhaxeeysa Soomaaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor