Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho waxaa ka furmay kulanka 19-aad ee golaha shacabka BJFS,waxaana soo xaadiray 140 Xildhibaan.
Kulanka Waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ka ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Ajendaha kulan ayaa ah saddex qodob oo kala ah:
- Codeyn ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
- Qeybinta mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.
- Qeybinta aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka hay’adda naafada Qaranka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa ka doodi doona AJandayaasha Maanta horyaalla.
Qodobada ka soo abxa Kulanka Baarlamaanka kala socda Radiodalsan.com