Khattab Al-Masri oo ka tirsanaa Al Shabab oo lagu dilay weerarkii lagu qaaday xerada Itoobiya Ee Halgan

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Khattab Al-Masri oo ah nin u dhashay wadanka Masar muddo badan ka tirsanaa Al Shabab inuu kamid ahaa kuwii lagu dilay weerarkii Al Shabab ay ku qaaden xerada ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan.

Dowladaha Soomaaliya,Itoobiya iyo AMISOM ayaa sheegay in uu kamid ahaa nin cadaan ah dadkii lagu laayay dagaalka balse ma jirin warar xaqiijin karay inuu Khattab Al-Masri ahaa qofka la dilay.

Waxa la aaminsan yahay inuu Khattab Al-Masri yahay meydka qof cadaan ah oo dhulka yaalay oo ka soo muuqday sawiro 10 Juunyo laga soo qaaday deegaanka halkan oo 300 KM dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor