Qaraxaan oo Jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Naas-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.
Qarax ayaa la sheegay in uu ahaa Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana ka dib la maqlay rasaas aan la ogeyn ilaa iyo hadda cida rideysa.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dad goobta ku sugan ay soo sheegayaan,waxana hadda goobta ku sii qul qulaya Gawaarida Gurmadka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com