Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ka qeyb galay julan looga hadlayay la dagaalanka kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada iyo xoojinta dagaalka ka socda Koonfurta Gobalka Mudug.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada xoojinta wajiga Labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee looga saarayo deegaanada Gobalka Mudug oo si toos ah loo iclaamiyay.
Duq Degmada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada inay la shaqeeyaan laamaha, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro iyo la dagaalanka Al-shabaab.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada dhawaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay Al-shabaab kala wareegay degaano dhowr oo ka tirsan Mudug, halkaas oo ay ka dhaceen dagaalo geystay khasaaro.
Shabaabka ayaa sidoo kale dhankooda weeraro ka geystay deegaano, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee Mudug ka dhacay lagu dilay Sarkaal ka tirsan Galmudug iyo Askar, kadib dagaal ka dhacay Shabeelow.