Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Norway oo ka wada hadlay Arrimaha Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta, Anwar Bin Maxamed Gargaash waxa uu Xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha Dowladda Norway ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Vebjorn Heines.

Muddadii uu socday Kulankooda, waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka faahfaahin ka bixiyey dadaalka dalkiisa ku taageerayo Ammaanka, Horumarka iyo hawlaha Samafalka Aadminimadda ee Gobalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxay sheegtay inay Wasiirka iyo Ergayga ka wada xaajoodeen horumaradii ugu dambeeyey ee Somalia iyo guud ahaan Geeska Afrika.

WAM waxay kaloo sheegtay inuu Kulankaasi qeyb ka yahay wada-xiriirka Diplomaasiyadda socoto iyo dadaalka Degaanaanshaha Mandiqadda.

Ma kala cadda inay Dowladda Norway dadaal ugu jirto dhexdhexaadinta Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo iyagu ku kala irdhoobay Khilaaf Siyaasadeed sababay Xiriir Diplomaasiyadeed oo aan Firfircoonayn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media