Allaha u naxariistee waxaa saakay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dowlad Goboleedka Jubbaland ku geeriyooday Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo ka mid ahaa Xildhibaanada Maamulka Jubbaland.
Qaar ka mid ah Ehelada ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in Xildhibaanka waayadaan xanuunsanaa saakayna uu geeriyooday,isla markaana Galabta lagu aasay Qabuuro ku yaalla Magaalada Kismaayo.
Allaha u naxariistee xildhibaan Buraale ayaa Eheladiisa waxa ay sheegeen in maalmahaan uu ku furnaa kiis ku aadan dhul laga xukumay qof ay ehelo ahaayeen kadibna dhismo lagu bilaabay.
Warar kale aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaan Buraale oo kiiskaas ku wargeliyay Madaxweyne ku xigeenka jubbaland Cabdulqaadir Luga dheere,isla markaana uu joojiyay in dhulkaasi la dhiso.
Waxaa kaloo jirtay in Shaqsiga dhulka laga xukumay uu keenay Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland ayna isku hareereeyeen dhulkii leysku heystay taas oo keentay in Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Buraale Axmed uu dhiig ku kaco,kadibna uu geeriyoodo.
Galabta ayaa Magalada Kismaayo lagu aasay,waxaana aaskiisa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo qaar ka mid ah eheladiisa,waxaan Xildhibanka uu mar ka mid noqday Xildhibaanadii dowladdii KMG ahaa xiligii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.