Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daweynayo dhaawayada Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ilaalo u ahaa Turkiga, kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxii lagula eegtay Degmada Afgooye.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa booqashada uu ku tegay Isbitaalka Erdoğan waxaa ku wehlinayay Wasiiro ka kamid ah Xukuumadda iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya
Maamulka Isbitaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay Xaaladda Dhaawacyada Injineerada Turkiga ah iyo Askarta ka tirsan Booliska.
Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maalin kahor waxaa Injineero Turki ah iyo Cidamo ka tirsan Booliska dowlada lagula eegtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha, kuwaasi oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 15 kale oo 6 ka mid ah ay yihiin Shaqaale Turki ahna way ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay degmada Afgooye, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.