Heesaa Sinead O’Connor ayaa sheegtay inay isaga baxday Kirishtaanka, gaar ahaan Katoolik (Catholic).
Qoraal Ay Twitter-keeda soo dhigtay ayey ku shaacisay inay Muslimad tahay, isla markaana magaceedii hore iska bedeshay, lana magac baxday Shuhadaa’ Devitt.
Waxay kaloo Twitter-keeda ku qortay inay ku faraxsan tahay inay Muslim noqoto, waxayna u mahad celisay dhamaan Walaalaha Muslimiinta (Rag iyo Dumar).
Waxay intaasi ku dartay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto Mujtamaca Muslimiinta (Muslim Community).
Xigasho: Irishpost.com