Wararka aan ka heleyno Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saakay Saldhig Ciidanka Somaliland ay ku leeyihiin halkaas.
Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid gaadmo ah, waxaana intaas kadib rasaas xoogan ay dhexmartay Ciidankii Somaliland ee ku sugnaa Saldhiga Boorama iyo ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.
Dadka deegaanka Boorama oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta rasaas Culus oo ay is dhaafsanayeen Ciidanka Somaliland iyo rag hubeysan oo aan weli la aqoonsan waxa ay ahaayeen, iyagoona goobta ka baxsaday.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in wax ah Khasaaro uusan geysan weerarkii saakay ka dhacay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ee Somaliland, waxaana xaalada deegaanka ay tahay mid degan.
Wararka ayaa inaasti waxaa ay ku darayaan in Ciidanka Somaliland ay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku raadinayan ragii saakay weerarka kusoo qaaday Saldhiga Boorama.