Faah faahin kasoo baxeysa Mas’uuliyiintii Doonta kula degtay Baladweyne

Faah faahino ayaa laga helayaa Mas’uuliyiintii iyo dadkii shacabka ahaa ee Saakay doonta kula gadoontay Fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle.

Doonta ku rogmatay Biyaha Webiga ayaa waxaa la socday Duqa Degmada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax, La Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabeelle iyo dad kale oo shacab ahaa.

Sidoo kale dadka saarnaa doonta oo gaarayay ilaa 20 ruux ayaa kusii jeeday deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Magaalada Baldweyne, isla markaana waxaa la xaqiijiyay in la soo badbaaday Duqa Degmada Baladweyne Safiyo, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax, Inkastoo ay jiraan dad badan oo aan weli lagu heyn nolal iyo geeri midna.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaaan in dadka weli la’yahay uu ku jiro Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Ciidamo ilaalo u ahaa.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay Fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeelle oo biyo badan dhigay Xaafadaha ay kooban tahay Magaalada, iyadoona dadkii halkaas ku noolaa ay ka barakaceen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media