Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo galabdhicii galabta ka dhacay waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye gaar ahaan deegaanka Weydow.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxaana qaraxa oo ahaa mid xooggan uu gaariga ku qabsaday deegaanka Weydow, xilli uu marayay halkaasi.
Inta la xaqiijiyay 6 ruux oo saarnaa gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxa, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Allaha u wada naxariistee Maxamed Axmed Gamaxey, Xuseen Macallin Cabdi, Maxamed Cabdulle Wardheere, Cabdikariin Cismaan Cabdi iyo Cabdinaasir Axmed Maxamed.
Laamaha dowlada Somalia iyo maamulka Shirkada Hormuud ayaan illaa hadda war ka soo saarin qaraxaan oo kamid noqonaya weeraro mudooyinkan lala beegsanayey shaqaalaha iyo gaadiidka Shirkadda.