Sharmarke Maxamed Warsame oo kamid ahaa xubnihii uu Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir u Magacaabay Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii uu ahaa Guddigaas.
Sharmarke Maxamed oo War qoraal ah uu kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku shaaciyay inuu ka tanasulay xubinimadii guddiga doorashooyinka ee uu Magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir.
Sidoo kale Sharmarke ayaa waxaa uu sheegay inuu u Tanaasulay duruufo jiro Awgood oo u saamixi waayay inuu kasii mid ahaado Guddigaas, isagoona u mahadceliyay Sheekh Maxamed Shaakir oo Magacaabay.
“Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadeyo in aan ka tanasulay xubinimadii gudiga doorashooyinka iyo xalinta khilafaadka dowlad goboleedka Galmudug.Duruufaha oon ii saamaxeen ka mid sii ahaansha gudigaas sidaas darteed waxaan u mahadcelinayaa madaxa xukumadda Dr sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan doorashadii uu ii doortay kamid noqoshada gudigaas” ayuu yiri Sharmarke Maxamed.
Waa Shaqsigii Afaraad ee iska Casilay xubnihii dhawan uu Magacaabay Maxada Xukuumadda Galmudug, waxaana kamid ah Cabdishakuur Ciise Xaashi, Maxamed Axmed Malin iyo Cabdullaahi Faarax Bill, kuwaasi sheegay in aan la ogeysiin Magacaabista.