Warbixin ay soo saareen Khubaro ka tirsan QM, oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS  aragtay ayaa lagu muujiyey inay sii kordhayso Tirada Maleeshiyadda ku biirayso Kooxda Daacish-ta Somalia ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin oo dhawaan ka badbaaday duqeyn ka dhacday duleedka Degmadda Qandala.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Maleeshiyaddaasi tobaneeyo ahaayeen sannadkii hore, balse haatan ay gaareen ilaa 200 oo Dagaalyahan.
Kororka xubnaha Kooxdaasi ayaa laga digay inay fududeyn karto in Maleeshiyadda Daacish ee ka soo cararayo dalalka Syria iyo Iraq ay gabaad ka dhigtaan W/bari ee Somalia.
Ilo dhinaca Ammaanka oo ku sugan Gobalka ayaa sheegay inay dhowr boqol oo Maleeshiyo hubeysan wax u dhimi karaan Deganaanshaha Gobalka.
Ilahaasi waxay kaloo sheegeen in Duqeyntii Maraykanka Jimcihii hore ku qaadeen Kooxda Daacish-ta Somalia ay muujinayso in Xaalladda noqon karto mid aad iyo aad u khatar badan.
Sidoo kale, Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in Maleeshiyadda Daacish-ta ku sugan Puntland badankooda yihiin Soomaali, waxaana la rumeysan yahay inuu Kooxdaasi ka tirsan Nin u dhashay dalka Sudan oo ay Dowladda Maraykanka cunaqabatayn ku soo rogtay.
Ma cadda in Ninkaasi uu ahaa Ninkii Suudaaneska ee dhawaan lagu dilay Duqeyntii lala maaganaa Madaxa Kooxdaasi, Sheekh C/qaadir Muumin.
Duqeyntaasi ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 20-Maleeshiyo oo ay ku jireen kuwo ka soo jeeda dalalka Carabta.
Warbixinta QM waxaa kaloo lagu muujiyey in Maleeshiyadii ka soo goosatay Kooxdaasu sheegeen inay Kooxda kharaj iyo amar ka helaan Kooxda Daacish-ta ku sugan dalalka Iraq iyo Syria.
Mid ka mid ah Dableyda soo goosatay ayaa sheegay inuu arkay iyadoo ay Sheekh C/qaadir Muumin iyo Hoggaamiye kale adeegsanayaan Qalabka Internet-ka ee TrueCrypt Software, oo ay kula xiriiraan Madaxda Daacishta ku sugan Iraq iyo Syria.
Dhinaca kale, Kolonel C/raxmaan Saciid oo ka tirsan Milliteriga Puntland ayaa u sheegay Wakaalladda Wraarka REUTERS inay tirada Daacishta joogta Puntland sii kordheen, kuwaasi oo badankooda ka yimid Koonfurta Somalia iyo Dagalyahano shisheeye oo ka yimdi dalka Yemen