Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo gaar ah u diray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu hambalyeeyay Afhayeen Macalimuu oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, kadib markii Afhayeenka loo tanaasulay, uuna tartanka ka hadlay Musharaxiin la tartami lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in Macalimuu uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag, isagoona xusay inuu mudnaa Macalinka inuu noqdo Xildhibaan.
“Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn. Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay. Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay†ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Maanta kusoo baxay oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu u tanaasulay Xasan Cabdicasiis Xasan oo la tartami lahaa Macalinka.