Waxaa haatan soo baxaya Cabashada ka imaaneysa qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka ka dhex Shaqeeya Gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo ka cabanaya Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Mid ka mid ah Darawaladaas oo la soo xiriiray Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in xiligii hore Goobo qaar looga qaadi jiray lacagta gaar ahaan Wadada u dhaxeysa deegaanka Qalimow ilaa Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in haatan halka loo yaqaano Ceelka Geeloow iyo lambar 20, ay haatan dhibaato adag ka taagan tahay isla markaana Goobaha qaar Boono ay ka goystaan halka meelaha kale aan lagu mari Karin lagana rabo lacago kale.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay la xiriireen Maamulka degmada Balcad balse ay u sheegeen in ciidamo Milateri ah ay dul saaran yihiin kuwaas oo dhibaatada wada balse uusan waxba noo qaban Maamulka Sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale wax uu sheegay in ay u tageen Saraakiisha Ciidamada Milateriga ay Koontoroolada jooga balse aysan ka helin hadal fiican sidaas daraadeedana ay Go’aansadeen in ay Shaqada Joojiyaan.
Hoos Ka Dhageyso Wresyiga Darawalka