Wakaalladda Wararka dalkaasi ee SUNA ayaa Waaberigii hore ee saakayto sheegtay inuu Madaxweyne Cumar Al-bashiir isku-shaandheyn ku sameeyey Golaha Wasiiradda ee dalkaasi.
Isku-shaandheyntaasi ayaa ka kooban 8 Wasiir, 5 Wasiiro Dowle iyo 10-Guddoomiye Gobal.
Magacaabista xubnaha Golahaasi ayaa la sheegay in lagu shaacin doono Shir Jaraa’id oo barqanimadda maanta lagu qaban doono Xarunta Madaxtooydda ee dalkaasi.
Bishi ila soo dhaafay, Madaxweyne Albashiir waxa uu Wareegto xilkii uga qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalka Suudaan, Ibraahim Qanduur oo muddo dheer xilkaasi hayey.