Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27 bisha Maarso uu si rasmi ah uga furmo Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye Iskool Buluusiya ee ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Madax ka socota Baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ka jira, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya xafladda furitaanka.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka uu ka soo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Muddooyinkii dambe fasax ku jiray,kadib markii uu bishii Janaayo ee sanadkan uu xirya Kal-fadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka.
Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Caawa aad loo adkeeyay.