Wargeyska Maalinlaha ee Nationa ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in Somali-Kenyan lagu magacaabi jirey Cumar Cadar Cumar uu ka mid ahaa afartii qof ee ay Alshabaab ku toogteen Degmada Bu’aale ee Gobalka J/dhexe.
Wargeyska waxa uu qoray in Cumar Cadar Cumar oo 25-jir ahaa ka soo jeeday Degmadda Garissa ee Gobalka W/bari Kenya..
Eedeysanahaasi ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 4 qof oo lagu eedeeyey inay Basaasiin ahaayeen, kuwaasi oo dorraad lagu toogtay Fagaare ku yaalla Degmada Bu’aale.
Dhinaca kale,  3-da kale ee iyagana Isniintii hore lagu toogtay Degmadda Bu’aale Alshabaab waxaa lagu kala magacaabi jirey C/risaaq Xaas Cabaas, Mustaf Macallim Xasan iyo Maxamed Cabaas Mayow.
Madaxa Walaayadda Jubbooyinka ee Alshabaab, Sheekh Maxamed Abu Cabdalla ayaa sheegay in raggaasi basaasiin u ahaayeen Ciiddanka Dowladda.