Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Caawa ka dhacay Garoowe

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa War kasoo saaray Qarax Ismiidaamin ahaa oo fiidkii hore ee Caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraal lagu daabacay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay Garoowe oo geystay Khasaaro dhaawacyo oo soo gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dad shacab ah.

Al-shabaab ayaa sheegtay in qarax ay la beegsatay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xersi iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolkaas Faarax Galan-gooli, iyagoo sheegay inay dhaawac Culus gaarsiiyeen Mas’uuliyiinta.

Dhinaca kale Maamulka Puntland oo ka hadlay dhaawacyada soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Faarax Galan-gooli, iyagoo tilmaamay in xaaladooda Caafimaad haatan lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee Garoowe.

Wararka ayaa intaas kusii daraya qaraxaas dhaawac uu kasoo gaaray dhowr qof oo shacab ah, kuwaasi oo goobta ka Agdhawaa xiligii uu qaraxu dhacaayay, isla markaana la geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa Caawa lagu soo waramayaa in howlgalo kala duwan ay ka wadaan gudaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana amniga ka jira Magaaladaas muddooyinkii dambe uu ahaa mid siweyn loo adkeeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media