Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxa todobaadyadii la soo dhaafay ka taagnaa caqabad ka dhalatay Diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Baladweyne kulan laba maalmod qaatay la yeeshay Ganacsatada iyo Bulshada Magaalada si xal looga gaaro diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Ganacsatada ayaa isku raacay in lacagta Shilinka Soomaaliga noocwalba la istcimaalo.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan uu Baladweyne ka soo diray Axmed Dirir Nuur.