Wafdi wasiiro ah oo gaaray magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga kaas oo ay soo abaabushay urur goboleedka IGAD.
Wafdiga wasiirada ah ayaa waxaa ka mid ah wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Khayr iyo wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Mudane Xamse Saciid Xamse, sidoo kale waxaa ka mid ah wafdigan agaasimayaal ka socda wasaaradaha kala duwan ee dowladaha ku bahoobay ururka IGAD.
Qaxooti badan oo Soomaali ah ayaa ku nool dalalka deriska sida Ugandha,Kenya iyo dalal kale kuwaas oo u baahan daryeel iyada oo qaarkood ay u baahanyihiin in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.