Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay wax-ka bedelka Sharci muhiim ah

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 20 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka, Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.Waxaa Ogaalada 30 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media