Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qayb galay Madasha Dooxa

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dalka Qatar uga qayb galay madasha sannadlaha ee Dooxa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in adduunyadu garaawsato in Soomaaliya ay kasoo gudubtay dhibaatooyinkii badnaa xilligaanna ay mudantahay in loola dhaqmo dal u diyaarsan in uu ka qayb gaato horumarinta caalamka.

Ajandayaasha ugu waawayn ee madasha sannadkaan 2018 ayaa kala ahaa amaannka, nabadda iyo dhex-dhexaadinta, horumarinta dhaqaalaha iyo isbedellada, waxa ayna sannadkaan ahayd sannadkii labaad ee mudane Xasan Cali Khayre uu ka qayb galo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media