Duqa Muqdisho oo shacabka Caasimadda u diray farriin la xiriirta Dagaalka AS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo ka qeybgalayay kulan lagu taageerayey howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab ayaa sheegay in dhammaan shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka

Duqa muqdisho ayaa waxa uu bogaadiyay guulaha ciidamada iyo kuwa degaanka ay kasoo hoyeen howlgalka socda, waxa una Ganacasatada,odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada faray in ay muujiyaan kaalintooda ku aaddan dagaalka.

“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka aan imaan ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeed,waxaan tuseenaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,Xabsiga ayana la dhigayaa”,sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Dalka waxaa ka soconayo howlgallo ballaaran ay wadaan ciidamada xoogga dalka oo kaashanayo kuwa degaanka ,iyadoo degaanno badan laga saaray Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in muddo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb halkaa oo uu kawado dar-dargalinta dagaallada lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna Maanta kusii jeeda degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply