Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta dib ugu  laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug isagoo safar gaaban ku tagay Dalka Djabuuti waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Jabuuti u tagay shir ku saabsan Dekada Magaalada Hobyo waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Dekada dhismaheeda loo bilaabi doono.
Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu hambalyo u diray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu yahay nabadoon waxa uu intaas ku daray in Gudoomiyuhu is casilay saaka isaga oo u tanaasulay sidii wadanka uusan dib u dhac iyo burbur uga badbaadin lahaa.