Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada ku wada nool dalkaasi oo loogu baaqay inay degdeg u xaliyaan Khilaafkooda.
Ra’isul-wasaraaha cusub ee Ethiopia, Dr, Abii Axmed oo maalintii Sabtida ee la soo dhaafay socdaal hawleed ku tegay Caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga ayaa ku baaqay in la xaliyo Muranka Xuduudaha ee u dhexeeya dadka Soomaalida iyo Oramadda.
Wuxuuna xusay in wax laga xumaado tahay dagaalkii u dhexeeyey labada dhinac, isla markaana ceeb weyn ku tahay Taariikhda dalka Ethiopia.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia Abii Axmed oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oramada waxa uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka iyo Hoggaamiyayaasha Diinta inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xal-u-helista Khilaafka labada dhinac.
Baaqaasi ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ee ood-wadaaga ah waxay isku haystaan muran dhinaca Xuduudka, iyadoo boqolaal qof lagu dilay ama lagu dhaawacay iska horimaad bishii September ee sannadkii hore ku dhex maray Bariga Ethiopia.