Isku duwaha ammaanka ee Waqooyi bari Kenya Mr; Nicodemus Ndalana ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku lug yeelato faraxumeynta Dumarka iyo Gabdhaha yaryar.
Nicodemus Ndalana, ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin falalka noocan oo kale ah, Qof kasta oo Gacan ka geysata dhibaataynta haweenka ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.
Dhowaan ayay ahayd markii Gabdho da’ yar ah lagu kufsaday qeybo ka mid ah Gobolka waqooyi bari Kenya.