Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka dhacay Shil Gaari oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid ka mid ah uu ahaa leyla Calaawi xili ay marayeen meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe.
Shilkaas ayaa waxaa Dad Goobjoogayaal ah ay u sheegeen Dalsan in ay ku geeriyootay qof haweeney ah oo mid ka mid ah Gawaarida saarneyd halka uu dhaawacmay Nin la socday Haweeneyda.
Goobta ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Shacabka kuwaas oo gurmad u sameeyay dadka shilka galay iyaga oo halkaasi ka qaaday Ninkii dhaawaca ahaa.